Bandow xaley ka Dhaqan Galey Baladweyne
Hiiraan SSMC-Banddow ay ciidamada Maxkamadaha xaley ku soo rogeen Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka dhaqan galey,Iyada oo Gobolka Hiiraan ay iminka si buuxda gacanta ku hayaan ciidamada Maxkamadaha slaamka.
Bandowgan oo xaley bilowdey abaare 09:30 fiidnimo ayaa socdey illaa saaka salaadii subax,kaas oo aan illaa iyo hadda la sheegin wax dad ah oo loo qabtey.
Xaley ayaa lagu arkayey wadooyinka iyo jidadka farasmagaalaha Magaalada Baladweyne Gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Maxkamadaha oo gaaf wareegaya waddooyinka iyo xaafadaha magaaladaasi, kuwaas oo fulinaya hirgelinta Bandowggaas oo ay hore ugu dhawaaqeen Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha,Saraakiisha Maxkamadaha ayaa ku sheegey ujeedada Bandowgan mid ay ku xaqiijinayaan sugidda amaanka Shacabka Magaaladaasi.
Dhamaan dhaqdhaqaaqyada Ganacsiga iyo isku socodka Gaadiidka iyo dadweynaha ayaa hal mar wada istaagey, ka dib markii ay saacaddu isku dul taagtey 09:30 fiidnimo xilligaas oo la shaaciyay inay magaaladu Bandow tahay.
Waa markii ugu horeysa oo ay Ciidamada Maxkamadaha Bandow ay amaanka Magaalada Baladweyne ku xaqiijinayaan,waxaana la arkayaa shacab fara badan oo ku soo qulqulaya magaalada kuwaas oo hore uga qaxey halkaas,markii uu dagaallo aad u baxaadweyn ka dhaceen magaalada.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Wararka Maanta
* add new comment »


