Maamul Looga Dhawaaqey Degmada Ceelwaaq.

10/02/08
Aadan Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Ceelwaaq SSMC-Degmada Ceelwaaq ee  ka tirsan Gobolka Gedo ayaa looga dhawaaqey Maamul cusub oo islaami ah,kaas oo ay halkaas kaga dhawaaqeen kooxaha dhowaan degmadaas qabsadey,iyagoo sheegey inay wadatashi  la sammeeyeen Odeyaasha dhaqanka ee degmada Ceelwaaq.

Kulamo muddo u dhaxeeyay saraakiisha ka tirsan malleeshiyaadka degmada qabsadey oo sheegey inay ka tirsan yihiin Mujaahidiinta Soomaaliya,waxayna odeyaasha deegaanka culeys badan ku saareen  dhisitaanka maamulkaas.

Maamulka cusub ee looga dhawaaqey Ceelwaaq ayaa  tiradiisu  gaareysaa 23 xubnood oo ku saleysan kii hore ee halkaas ka dhisnaa,kuwaas oo ay ku jiraan Gudoomiyihii hore ee Degmada oo magaciisa la yiraahdo  Xussen Xassan Kateelo,halka ku xigeenkiisana laga dhigey Maxamud Maxamed dhinaca nabadgelyada  ayaa loo magacaabey C/raxmaan Yuusuf Daa’uud.

Maamulka cusub ayaa  oo tiradiisu gaareyso 23 Xubnood ayaa u badan maamulkii hore ee ay dadka deegaanku soo doorteen,waxaana laga beddeley xubno la sheegey inay isticmaalayaan Mukhaadiraadka sida qaadka iyo sigaarka.

Maamulka laga dhisey Ceelwaaq ayaa noqonaya kii ugu horreeye ee Islaami ah oo laga dhiso degmooyinka Gobolka Gedo,Ceelwaaq ayaa hore waxa ka talin jirey Maamul Islaami ah oo degmadaas ka dhiseen Urur Diimeedkii la oran jirey Al-Itixaad Al-Islaam,kaas oo markii dambe la baxey Al-Ictisaam iyo ururro kale oo ka farcamey burburka ururkaas.

Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com