Ciidamada AMISOM oo La Kordhiyey

10/04/08
Aadan Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Muqdisho SSMC-Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka midowgga Afrika kana howlgala Muqdisho ayaa la kordhiyey, sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan Ciidamadaas oo ku sugan magaalada Muqdisho.
 
Wararka waxay sheegayaan inkasta oo saraakiishu sheegin tirada ciidamadaas ayaa haddana ilo wareedyo kale waxay sheegayaan in ciidamadaas lagu soo kordhiyey 1600 askeri ,kuwasoo qeyb ka noqon doona howlgallada ay hore u joogaan gudaha magaalada Muqdisho. 

Ciidamadan ayaa loogu talagaley inay isku ballaariyaan goobaha ay dagaalada kaga yimaadaan,iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixinin goobaha ciidamadu ay isku ballaarinayaan.

Afhayeenka AMISOM Captan Barije Bhuko  ayaa dhawaan saxaafaddaa u sheegey inay jiraan goobo gaar ah oo laga soo weeraro fariisimadooda,ayna dhawaan halkaas tagi doonaan si ay uga hortagaan weeraro lagu qaado saldhigyadooda.

Goobaha uu sida gaarka ah farta ugu fiiqey ayaa waxaa ka mid ah Afrikaan Village,Bakaaraha,Bangaariya iyo howlwadaag oo ku kala yaalla degmooyinka Hodan iyo howlwadaag,inkasta oo uusan carrabaabin halka ay ciidamada cusubi degayaan.

Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com