Roobab Qasaare Geystey oo Ka Da’ey Marka.
Marka SSMC-Roobab da’ey ku dhawaad 12-saacadood oo xiriir ah magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ayaa geystey qasaare,kaas oo burburiyey Guryo iyo Waddooyinka soo gala Magaalada.
Xaafado ka mid ah magalada Marka gaar ahaan xaafada Buulo Bacaad ayaa waxaa ku soo rogmadey daadad xooggan kaas oo burburiyey Guryo ku yaalla deegaankaasi,waxana la arkey dad Guryahooda uga soo baxaya saqafka kore si ay dibadda u yimaadaan iyadoo Biyuhu u soo galeen gudaha Guryahaas.
Sidoo kale daadad ka dhashay Roobabka da’ayey ayaa waxaa ay burburiyeen dhamaan wadooyinka Soo gala kana baxa magaalada Marka mana jirin saaka wax Gaadiid ah oo galey kana soo baxey magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/Hoose.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Wararka Maanta
* add new comment »


