Duqeyn iyo Dagaal Saaka Ka Dhacey Dharkeenlleey.
Muqdisho SSMC-Xaaladda Degmada Dharkeenlleey ee Gobolka Banaadir oo saaka ay ka dheceen duqeymo iyo dagaallo u dhexeeyey Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo dhinac ah iyo xoogagga ka soo hor jeeda ayaa iminka deggan.
Waxaa soo laabatey dhaqdhaqaaqa Ganasiga iyo Dadka ee Degmada Dharkeenlleey,waxaa duqeynta iyo dagaalada ku geeriyoday 1-qof oo haween ah waxana sidoo kale dhawacyo kala duwan ay ka soo gaareen dad gaaraya illaa 5-ruux kuwaasi oo dhamaantooda wada ah dad rayid ah isla markana loola cararay goobaha Caafimaadka.
Duqeynta iyo dagaalka ayaa yimid ka dib markii soo cagadhigatey Diyaarad Militeri oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM, ka dibna ay Hoobiyeyaal la beegsadeen urur Diimeedka Al-shabaab,taas oo sababtey inay ciidamada AMISOM iyo kuwa Booliska ee Degmooyinka Dharkeenlleey iyo Wadajir Weerar Wadajir ah ku qaadaan,dagaalkaas oo hakiyey weerarka Hoobiye ee lagu qaadayey Goroonka.
Dhinaca kale waxaa degmada Dharkeenlleey ka soconaya barakac baahsan oo ay wadaan dadka degmadaasi ku nool oo u badan dadkii hore barakac ku tagey halkasi xilli ay ka carareen dagaalada ka soconaya xaafado ka mid ah Gobolka Banaadir.
Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay maanta u aheeyd maalintii 2-aad oo ay duqeymo la isdhaafsanayo ay deris u noqdeen,waxaana dagaalyahanada ka horjeeda ciidamada Shisheeyaha iyo dowlladda weerarkooda u leexiyeen Dhinaca Degmada Madiina oo aad ugu dhow Goroonka Maagaalada Muqdiho.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
News in English
* add new comment »


