Maxkamadaha Islaamka oo Cambaareeyey Dilka Xaaji Dacar Xirsi Xooshoow
Beledweyn SSMC-Maxkamadaha Islaamka ayaa war ay maanta ka soo saareen magaalada Baladweyne ku cambaareeyay dilkii maanta loo geystey Gudoomiyihii Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Xaaji Dacar Xirsi Xooshow dilkaas oo ay ku tilmaameen mid Foolxun.
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo maanta la hadley Warbaahinta ayaa dilka Xaajiga ku tilmaamey mid laga wada naxo,isla markaasna aan loo baahneeyn, waxana uu sheegey inay guddi u saareen baaritaanka dilka Gudoomiyahii Golaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Xaaji Dacar Xirsi Xooshoow.
Sidoo kale Wadaadka ayaa sheegey inay Sharciga Islaamka marsiin doonaan ciddii ay ku soo qabtaan falkaas lagu diley xaajiga,islamarkaasna ay geeysteen kuwa dhibaato ka wada gudaha dalka Soomaaliya.
Gudigani loo saarey baritaanka dilka Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshoow,ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Shiikh C/raxmaan Ibraahin Mowcoow oo ah u qeybsanaha Maxkamadaha Gobolka Hiiraan kuwaas oo baaraya kuwa ka dambeeya dilka Guddoomiyaha.
Xaladda magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kacsan markii uu dilkaasi dhacey,waxaana magaalada ka billowdey dhagaxtuur ay sammeeynayaan dadweyne aad u careysan,iyagoo dhagxaan ku tuureyey Ciidamada Maxkamadaha oo ku sugnaa Saldhigga magaalada Beledweyne.
Si kastaba arrintu ha ahaatee dilka Gudoomiyaha Odeyaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa laga cabsi qabaa inuu abuuuro kacdoon weyn oo ay sammeeyaan shacabka Gobolkaas.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
News in English
* add new comment »


