Maamulka Degmada Dayniile oo Eedeyn Kulul u Jeediyey Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maaamulkii Hore ee G.Banaadir

10/09/08
Aadan Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Muqdisho SSMC-Maamulka Degmada Dayniile ayaa  eedeeyay qaar ka mid ah maamulkii hore ee gobolka Banaadir inay dhibaato iyo qas ka wadaan Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
 
Gudoomiyaha Degmada Dayniile  Muqtaar  Xasan Cadoow”Cirbo” oo u war siinaayey saxaafadda  ayaa eedeeyey qaar ka mid ah maamulkii hore ee Gobolka Banaadir ee xilka laga qaday sida C/fataax Ibraahin Shaaweey iyo Maxamed Cusmaan  Dhagaxatuur inay dhibaato xooggan  ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir,wuxuuna sheegey in iyagoo aan wax mas’uuliyad ah heynnin ay wataan Hub fara badan oo ay dadka ku dhibaateeyaan.
 
Muqtaar  Xasan Cadoow Gudoomiyaha degmada Dayniile ayaa tilmaamey inay ciidamadoodu shaley falal dhac iyo dil ah ka geysteeen,silamarkaasna   qaatey Baabuurro,lacago iyo Moobeyllo ay shacabku leeyihiin.

Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com