Diyaarad Rakaab Sidda oo Maanta Fariisatey Goroonka Muqdisho Si Nabad ahna Uga Duushey.

10/09/08
Aadan Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Muqdisho SSMC-Diyaarad Rayid ah oo Sidda Rakaab ayaa maanta  fariisatey Goroonka magaalada Muqdisho,si nabad ahna ku duushey,iyadoo aysan jirin Madaafiic lagu garaacey Groonka,Diyaaradda ayaa waxay siddey dad laga soo tarxiiley Dalka Boqortooyada Sacuudiga,Diyaaraddaas oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airweys.

Waa diyaaradii labaad oo ah kuwa rayidka ah oo ka soo degta Garoonka muqdisho tan iyo 16 sebtemper markii xarakada Al-shabaab bayaan ay soo saareen ku xireen Garoonka muqdisho.

Soo degitaanka Garoonka muqdisho Diyaaradan rakaabka ah  ee ay leedahey shirkada duulimaadka ee Jubba airways ayaan la ogeyn inuu  xiriir la leeyahey hadal saaka ka soo baxey afhayeenka xarakada Al-shabaab Sh Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuur” oo ahaa in ay Diyaar u yihiin ka hadalka arinta xirnaanshaha Garoonka Muqdisho hadii bulshadu isla garato ayna waxba ku jabneyn in dib loo furo.

Tan iyo markii la xirey Garoonka muqdisho,waxaa ka dhacey magaalada Muqdisho duqeymo xooggan oo ay ku wax yeeloobeen dad badan oo Rayid ah kuwaas oo soo gaareen Qasaarooyin badan oo naf iyo maalba leh, waxayna arintaas ka dhalatey Hoobiyeyaasha lagu tuurayo Goroonka iyo  Jawaabta culus ee ay bixinayaan Ciidamada Shisheeyaha ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com