Heshiiska ay Gaareen Dowlladda Kumeelgaarka iyo Isbaheysiga Jabuuti Taageero Ma Ka Heley Gudaha Soomaaliya?

10/29/08
Aadan Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Muqdisho SSMC –Tan iyo markii ay heshiika wada gaareen Dowlladda kumeelgaarka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jabuuti,waxaa looga jawaabey siyaabo kala duwan,waxaana heshiiskaas,siyaabo kala duwan uga hadley qeybaha Bulshada,sida odeyaasha dhaqanka,Culumaa’uddiinka,Bulshada rayidka iyo kooxaha ku lugta leh  dagaalada dalka ka soconaya.

Yaa Diidey Heshiiska?
Magaalada Muqdisho oo xuddun u ah dagaalada Ka soconaya dalka ayaa Odeyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye,aysan marnaba soo dhoweynin heshiiskaas iyagoo heshiiska ku timaamey inuu yahay cadowcadow ku beddel,taas oo ay ula jeedaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlladda kumeelgaarka , dhammaan Dhinacyada ku lugta leh dagaalada ka soconaya Soomaaliya ee Mucaaridka ayaa heshiiska iyo xabbad joojinta gaashaanka ku dhuftey,iyagoo sheegey inay dagaalka sii Wadayaan,iyagoo war arrintaas ku saabsan ka soo saarey Magaalooyinka Muqdisho,Beledweyne,Asmara iyo Kismaaanyo,waxayna dhammaantooda ka siman yihiin diidmada heshiiska Jabuuti,waxayna ku adkeysteen inay sii wadayaan dagaalka oo ay dhegaha ka fureysanayaan baaqa Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee Xabbad joojinta.

Yaa Taageerey  Heshiiska?
Markii la saxiixey heshiiska ayaa waxa taageerey Odeyaasha Dhaqanka ee Beelaha Munddullood,Dalladda Culumaa’uddiinka ahllu sunna waljamaaca,sidoo kale waxa taageerey Odeyaasha dhaqanka Beelaha Digil iyo Miriflle,kuwaas oo sheegey inay si weyn u taageersan yihiin heshiiska ay gaareen dowlladda kumeelgaarka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya,waxayna beelaha Soomaaliyeed iyo Kooxaha dagaalka wada ka codsadeen inay taageeraan heshiiska si loo badbaadiyo hambada ka hartey  Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Bulshada rayidka ayaan weli soo saarin hadal ay ku taageereyaan ama ay ku mucaaridayaan heshiika dhaxmarey dowlladda iyo Isbaheysiga.

Hadaba waxay so’aashu tahay ma dhaqangalayaa heshiiska Jabuuti lagu Gaarey?
Haddii aan ka qiyaas qaadanno  jawaabaha ay bixiyeen Kooxaha ka soo horjeeda dowlladda kumeelgaarka iyo Taageereyaashooda,iyo xabbadda oo aan weli joogsanin,Dowladaha shisheeye oo ku lugta leh Colaadaha iminka soconaya haddii aysan joojinin,waxaa hubaal ah inuu heshiiskaas sinnaba u dhaqangeli doonin.

Waxana heshiiskani keeni doonaa inay sii kala burburaan kooxaha dagaalka ku jira kuwaas oo iminka maalinba maalinta ka dambeysa sii kala baxaya,iyadoo taasina keeneyso inay sii adkeyso xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya.kala qeybsanaanta kooxaha ayaa iminka lugta la siigalaya qaab beeleed dahsoon iyo Goboleysi.

Waxayna arrintaas ka jirtaa Gobolada Galgaduud,Hiiraan,Shabeellada Dhaxe,Jubbooyinka,Bay,Bakool,Jubbooyinka,Gedo iyo Shabeellada Hoose oo iminka dhalinyara Gobolkaas ee ku jira kooxaha Mucaaridku is aruursanayaan,taasina aakhirka waxay keeni kartaa iska hor imaadyo yeelan kara weji cusub oo siyaasadeed oo ka soo dhax baxa kooxaha Dagaalamaya.

Arrintaas ayaa ka abuurantey caddaaladdarro ay sammeeyeen qaar ka tirsan hoggaamiyeyaasha Mucaaridka,kuwaas oo dano gaar ah iyo mid qabiileed ka dhax wada Islaamiyiinta Soomaaliya.

Marka intaas oo dhan la isku soo aruuriyo waxay u muuqataa inay xal u helidda mushkiladaha soomaaliya soo dhoweyn, shacabka Soomaaliyeed ee ku dhammaanaya Gudaha dalka,Badaha ayaan jirin wax u damaqanaya oo ka joojiya colaadaha soconaya labaatanka sano.

Warqabadka SSMC Somaaliya
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com