Agaasimaha Idaacaadda Shabeelle oo Lagu Diley Muqdisho
Muqdisho SSMC-Agaasimihii Idaacadda Shabelle Muqtaar Maxamed Hiraabe ayaa goordhow kooxo hubaysan ku dileen gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Rag Bastoolado ku hubaysnaa ayaa dilay Agaasimaha Idaacadda Shabelle Muqtaar Maxamed Hiraabe, dilka ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha
Lama garanayo cidda dishay Agaasimaha TV-ga iyo Idaacadda Shabelle Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo ujeedada ka dambeysa dilkiisa.hase yeeshee wuxuu dilkanika mid yahay dilalka ugaarsiga lagu hayo Saxafiyiinta Madaxbanaan ee Soomaaliya.
Wariye katirsan Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyey dilka Agaasimaha, waxaana dhaawac uu soo gaaray Wariye Axmed Taajir oo kamid ah Wariyaasha Idaacadda.
Horey ayaa masuuliyiin iyo Wariyeyaal laga Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdiisho,waxana laga diley sadex Agaasime ee Idaacaddaas leedahay,sidoo kale waxa la diley Wariyeyaal ku sugan gudaha Soomaalia,halka kuwo kalena afduub loo haysto,sida Agaasimaha Tvga Universal.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Top Headlines (English)
* add new comment »


