Wariyeyaal Ka Qaxaya Magaalada Muqdisho
Muqdisho SSMC-Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho ee ka howl gala Idaacadaha Maxaliga ayaa iminka kulan albaabadu u xiran yihiin yeelanaya, iyadoona kulankooda kadib soo bandhigaya sida ay shaqada uga tagayaan,wariyeyaashan ayaa Boorsooyinkooda xirxirtey.
Kulanka Wariyeyaasha oo Saxaafadda looga yeerey ayaa waxaa uu yahay mid ay qodobo ka soo saarayaan, iyagoo kulankooda kadib ay la hadli doonaan warbaahinta,waxayna ka warbixinaya sida ay shaqada uga tageen.
Wariyeyaasha oo isugu jira xirfadlayaal ka howl gala Idaacadaha Maxaliga iyo wargeysyo iyo website-yo ayaa go'aan ku gaaray inay isaga tagaan shaqadooda, sababo xagga ammaanka, iyo walaaca ay ka qabaan dilalka joogtada ah ee lagu hayo saxafigiinta.
Inkastoo kulanka uu wali wariyeyaasha u socdo, ayaa hadana wariyeyaasha oo qeybo badan isugu jira ay yihiin kuwo hal mowqif leh, isla markaana gaaraya ilaa 20 wariye ayaa waxay cadeyn doonaan sida shaqadooda uga tageen, waxaana qaarkood ay ku calaacaleen inay ku jiraan liiska dad loogu hanjabay in la dilayo.
Wariyeyaasha ayaa isugu jira Tifaftirayaal, Madaxa wararka, iyo kuwa aqriya wararka Idaacadaha iyo barnaamijyada siyaasada ee wareysiyada ah, kuwaasoo baxa habeenkii, waxaana wariyeyaashan laga dareemayaa cabsi ah inay naftooda ku waayaan howlahooda saxafinimo
Magacyada Wariyeyaasha oo aan ilaa iyo hada ku helnay si horu dhac ay ayaa waxay kala yihiin wariyeyaasha shaqada ka tagay ee Boorsooyinkooda u xir xiran si ay isaga tagaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah:
1-Maxamed Abuukar Ma'da (Horn Afrik)
2-Xasan Cali Geesey (Somaliweyn)
3-C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala(Shabelle)
4-Maxamed C/llaahi Xaaji(Shabelle)
5-C/llaahi Kulmiye Caddow (Horn Afrik
6-C/fataax Jeyte (Simba)
7-Axmed Nuur Gentlemen (Shabelle)
Sidoo kale waxaa jira wariyeyaal kale oo iyana goostay inay shaqada isaga tagaan, isla markaana ka huleelaan Caasimada Muqdisho ee dhibaatada adag wali ka taagan tahay, waxaana isku dayi doonaa inaan helno magacyada wariyeyaasha kale ee shaqadooda isaga tagey, isagana barakacaya Magaalada Muqdisho.
Wariyeyaashan ayaa ku biiraya wariyeyaal fara badan oo horay ugu qaxay magaalada Muqdisho, kuwaasoo saldhigtay Magaalada Nairobi, kadib markii horay loo dilay saaxibadooda.
Laakiin Wariyeyaasha hada goostay inay isaga tagaan shaqadooda ayaa ahaa kuwo markii hore ku dhiiraday inay shaqadooda sii wataan, waxaase xaalka ku xumaaday kadib markii ay sii kordheen dilalka wariyeyaasha y hanjabaadaha kulul ee ay kala kulmayaan dhinacyada isku haaya Siyaasada Soomaaliya.
Maanta ayaa waxay noqoneysaa maalin madow oo Saxaafadda Soomaaliya, gaar ahaan tan Muqdisho taas oo sababteedu ay tahay inay is casilayaan raggii ugu cuslaa ee Idaacadaha Muqdisho ka shaqeynayay.
Warqabadka SSMC Somaalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Top Headlines (English)
* add new comment »


