Wariyaasha Ka Tagey Shaqadooda oo Dilalka Saxafiyiinta Loo Geysto Sheegey inay Ka Dhacaan Goobaha Mucaaridku Ka Taliyo.

06/13/09
Adam Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Muqdisho SSMC-Wariyeyaasha ka howlgali jirey Idaacaddaha Maxalliga ee magaalada Muqdisho,shaqadoodana uga tagey cabsi soo wajahadey ayaa wareysi ay bixiyeen ku sheegey in goobaha dilalka Qorsheysan Loogu geysto Wariyeyaasha ay ka taliyaan Kooxaha Mucaaridka  ka  horjeeda Dowlladda kumeelgaarka ah.

Wariye Cilmi Boodheri oo u shaqeyn jirey Tvga Unversal ayaa sheegey in Saxaafiyiinta la diley dhammaantooda lagu diley goobaha ay ka taliyaan Mucaaridka Dowlladda ka horjeeda,asagoo tilmaamey in sababta loo dilayo ay tahay in laga dalbado inay wararka u sheegaan sida ay iyagu rabaan,taas oo ay wariyeyaasha intooda badani ay diideen sidaasna loo beegsado.

Sidoo kale C/Siis Afrika ayaa sheegey in hanjabaadyada loo geysanayo Wariyeyaasha ay ka yimaadaan Saraakiil sheegta Magaca Mucaaridka ah,kuwaas naga dalbada inaan wararka u sheegno sida ay iyagu rabaan,taas oo aan la aqbali Karin”Annagu koox keliya uma noqoneyno Maykarafoon la adeegsada anshaxa iyo shuruucda Saxaafadduna ma oggola sidaas darteed waxaan isbabar dhigney laba arrimood midkood inaan shaqada ka tagno ama inaan noqonno dil sugeyaal,waxaana go’aan ku gaarney inaan shaqada ka tagno nafteenana la aadno meel ay ku badbaadi karto”.

Si kasta arrintu ha ahaatee wariyeyaashaas ayaaa sheegey inay shaqadooda uga tageen naftooda u baqeen,waxayna Beesha caalamka ka codsadeen in la badbaadiyo oo laga saaro magaalada Muqdisho,oo ay  kaga sugan yihiin meelo ka baxsan Guryahooda.

Dhinaca kale Wariyeyaal kor u dhaafey 100 Wariye oo iskugu jira dhammaan qeybaha Warbaahinta oo shir ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa soo saarey inay sii wadan doonaan shaqadooda oo aaney marnaba dhibaato kasta oo loo geysto aaney shacabkooda ka carareynin.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com