Odeyaasha D & M oo Baaq u Direy Dhiggooda Gobolka Hiiraan iyo Warar Kale

Baydhaba SSMC-Odeyaasha Dhaqanka Digil iyo Mirifle oo shir jaraa’id ku qabtey Baydhaba ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey Waraaqo digniin ah oo shacabka Digil iyo Miriflle loogu sheegey inay 24 Saac Gudahooda kaga baxaan dhammaan Gobolka Hiiraan,haddii ay sidaas yeeli waayaanna laga qaadi doono tallaabo adag.
“Dadka Soomaaliyeed way isdhax daadsan yihiin mana jirto qolo meel ku eg oo yeeli karta inay qabiillo kale iska heyb soocdo,arrinta Beledweyne ka dhacdeyna waa arrin weyn oo aad looga xumaado,Malaaq Cali Barre ayaa sidaas yiri asagoo ka hadlaayey shirka jaraa’id”.
Odeyaasha Digil iyo Mirifle ayaa dhiggooda Hiiraan ka dalbadey inay raalligelin ka bixiyaan,falka hanjabaadda loogu jeediyey Qowmiyadda Digil iyo Mirifle,sida ay yeeleen Xildhibaannada Gobolka Hiiraan ee ku sugan Magaalada Beledweyne.
Maalin ka dib markii la daadiyey Warqaaha Digniinta ayaa Xildhibaan C/qaadir Dhaqane Cilmi shir jaraa’id oo uu ku qabtey Beledweyne Raalligelin kaga bixiyey Waraaaqaha digniinta ee loo daadiyey shucuubta Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan.
Kooxo aan la garaneynin oo magacooda qarsadey ayaa waraaaqo digniin ah oo ay daadiyeen ku sheegey in Beelaha Raxweyn ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan ay kaga baxaan Muddo 24 Saacadood gudahooda,iyadoo sababta Digniintaas ka dambeysana ay tahay in Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu diley Wasiirka Amniga Qaranka iyo Masuuliyiinta kale uu fuliyey nin ka soo jeeda Gobolka Bakool,sida ay sheegeen wararka ay shacabka Gobolka Hiiraan isla dhaxmarayaan.
Maamulka Baardheere oo Sheegey Inay Howlgelin Doonaan Cusbitaalka Degmadaas.
Baardheere SSMC-Maamulka Islaamga ee Degmada Baardheere ayaa maanta sheegey inay dib u howlgelin doonaan Cusbitaalka Degmada Baardheere oo xirmey Bilooyin ka hor,ka dib markii ay ka dhammaatey Daawada islamarkaasna ay halkaaas iskaga baxeen hay’adaha Gacanta ka geysan jirey Cusbitaalkaas.
Cusbitaalka Degmada Baardheere ayaa xirnaashaha ka sokow waxa ka muuqda burbur weyn ka dib markii sanad ka hor shaqo ugu dambeysey,iyadoo burburkaasna ay u geysteen kooxo aan la garaneynin ee ku dhaqan Degmada Baardheere,
Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga Degmada C/llaahi Maxamed Sh. Axmed ayaa sheegey inay dib u howlgelinayaan Cusbitaalka Degmada iyo dhammaan qeybaha kale ee adeegga bulshada Degmada Baardheere,waxaan keeni doonnaa Daawooyin iyo qalab uu cusbitaalku ku howlgeli doono.
Hay’adaha Gargaarka oo gacan ka geysan jirey Goobaha Caafimaadka iyo qeybo kale ee adeegga Bulshada ayaa dalka iskaga baxey sanad ka hor ka dib markii ay u baqeen amaankooda,iyadoo shaqaale Soomaali iyo ajnabi iskugu jira la diley islamarkaasna lagu afduubey Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Maamulka Degmada Wanlaweyn oo Howlgal ku Soo Qabtey Hoggaamiye koox Burcad ah.
Daafeed SSMC-Maamulka Islaamiga Degmada Wanllaweyn ayaa sheegey inay soo qabteen hoggaamiyaha ugu sareeya ee kooxda Burcadnimada ku caan baxdey ee shacabka ku dhibaateyn jirtey inta u dhaxeysa Wanllaweyn iyo Buurhakaba.
Hoggamiyaha Burcadda oo la raadinaayey muddo lex bilood ah ayaa lagu guuleystey in la soo qabto,ka dib markii la ogaadey goob uu ku sugan yahay,waxanaa la qabtey asagoo lugta ka jabey oo dhaawacan markii uu dagaallamey.
Taliyaha Burcadda ayaa iminka lagu daaweynayaa Cusbitaalka magaalada Daafeed,asagoo lala soo qabtey lacago fara badan Dhar iyo boqolaal Mobaillo ah oo uu ka dhacey shacabka ku safraayey inta u dhaxeysa Wanllaweyn iyo Buurhakaba.
Kooxaha Burcadda ee ka qowlleysta inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Wanllaweyn ayaa laga qabtey ama laga diley kooxo badan hase yeeshee taasi ma keeni inay ka haraan dhaca iyo Boobka ay ku hayaan Shacabka ku safra Wadada Dheer,inkasta oo uu isdhimey dhaca ay geystaan wixii ka dambeeya bixitaanka Ciidamada Itoobiya.
Goobaha Saldhiga u ah kooxaha Burcadda ee ay shacabka ku bartilmaameystaan ayaa kala ah Leego,Qardho,Jiiro Kuuloow,Yaaqbariweyne iyo inta u dhaxeysa Wanlle iyo Afgooye,iyagoo hadba guurguura si aaney u helin Ciidamada ammaanka ee Maamulka Alshabaab ee Degmada Wanllaweyn.
Si kastaba ha ahaatee ninka Saaka la qabtey ayaa ah ninkii qaabeyn jirey islamarkaasna iskudubaridi jirey qaabka Wadada loo galo,asagoo magaalooyinka iyo Tuuulooyinka Laamiga ku teedsan ay u joogaan kooxo u basaasa marka uu jiro Howlgallada amaanka ay ku sugayaan Ciidamada Islaamiyiinta ah iyo iyagoo u gudbiya Gaadiidka Wadada Maraya ee ay u arkaan inuu sido Lacago iyo alaabo Muhiim ah.
Waxana la filayaa marka uu bogsoodo in la saari doono Maxkamad Islaami ah taas oo uu ku muteysan karo in lagu fuliyo Xad lug iyo gacan isdhaaf ah laga gooynayo,sida ka dhacdey magaalada Muqdisho laba maalin ka hor.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Top Headlines
* add new comment »


