Deeq Maacuun oo ay ICRC Ka Qeybisey Awjeelle oo Sababtey Dhimasho iyo Dhaawac iyo Warar Kale

06/28/09
Maamulka Ssunion.net - SSMCFormat for printing    

Awjeelle SSMC-Hal qof ayaa dhintey 2 kalena way ku dhaawacantey ka dib markii tacshiirad lagu ridey Shacab sugaayey in loo qeybiyo Deeq Maacuun ah  oo ay Awjeelle gaarsiisey  haya’dda ICRC Tuulada Awjeelle ee ka tirsan Degmada Awdheeglle.

Dhimashada iyo Dhaawaca ayaa ka dhashey ka dib markii Masuuliyiinta Waddey Maacuunta  loo qeybin lahaa shacabka Awjeelle ay isku deyeen inay dib u ceshadaan Alaabta Maacuunta ah ee Mucaawino ahaan halkaas loo geeyey;hase yeeshee shacabka tuulada ayaa markii ay ogaadeen in laga ceshanayo alaabta ay kula dhaqaaqeen Boob,taasina waxay keentey inay shacabka Rasaas ku furaan Malleeshiyaadka ilaalada ka aheyd Maacuunta.

Inkasta oo ay shacabku in badan ka boobeen Maacuunta halkaas la geeyey ayaa haddana kooxda Waddey waxa u suuragashey inay soo ceshadaan hal Gaari halka Deeqda oo dhan ay ahayd laba Gaari,sidoo kale deeq tan la mid ah oo la geeyey Tuulada Madeyta ayaa si cad dib loo ceshadey,iyadoo aan haba yaraatee shacabkii xaqa u lahaa  aan la siinin.

Masuuliyiinta ay haya’adda ICRC u igmatey inay Deeqda halkaas gaarsiyaan ayaa intuba waxa u dhasheen labada Tuulo ee Deeqda laga leexsadey,mana ah marka ugu horreysa ee Masuuliyiinta hay’addaas u qaabilsan Degmada Awdheeglle leexsadaan Deeq loogu talagaley shacabka Misaakiinta ee ku dhibaatey Tuulooyin fogfog iyo dhulka Miyiga ah.

Shacabka iyo Odeyaasha Awdheegle ayaa hore cabashooyin badan gaarsiiyey Masuuliyiinta ICRC,Iyagoo ka codsadey in la hubiyo deeqaha ay hay’addani keento Tuulooyinka hoos taga Degmada Awdheegle,iyadoo Masuuliyiinta ICRC u qaabilsan Degmadaas ku caanbaxeen inay leexsadaan Deeqda loogu dhiibo Shacabka halkaas ku dhaqan.

Maamulka Islaamiga ee Degmada Baraawe oo Xabsiga Dhigey C/llaahi Xalane Dhuxuloow.
Baraawe SSMC-Maamulka Islaamiga ee Degmada Baraawe ayaa xabsiga dhigey Dhuxuloow iyo wiil uu dhaley, ka dib markii uu diidey inuu soo wareejiyo Hub iyo Gaadiid uu haystey,Maamulka ayaa si xoog ah Xabsiga ugu taxaabey Dhuxuloow.Markii la xirey Dhuxuloow ayaa hoygiisa waxa laga soo saarey Hub culus iyo Mid culus oo uu ku haystey hoygiisa,kaas oo aan tiradiisa la sheegin.

Dhuxuloow oo aan si xalaal aheyn u maamulaayey Degmada  Baraawe ayaa ahaa nin aad u awood badan marka loo eego gacanta adag ee ku maamulaayey Degmada Baraawe,wuxuna qeyb ka ahaa hoggaamiye kooxeedyadii ka jirey Soomaaliya.

Wuxuu xoog ku maroorsadey Maamulka degmada asagoo si xoog ah ku maquuniyey Maamulkii uu madaxda ka ahaa Guddoomiye Cali Maxamuud Sheegoow.

Si kastaba ha ahaatee Dhuxuloow ayaa awooddii waxa kala wareegey Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin,markii ay la wareegeen maamulka Gobolka Shabeellada Hoose,iyagoo markaas nabadgeliyo siiyey asaga iyo maamulkii uu madaxda ka ahaa,waxayna markaas u daayeen Hantidii iyo Hubkii uu ku maamulaayey Degmada Baraawe.

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn sababaha keeney in Hubka lagala Wareego ayaa haddana waxa dhici karta in la ogaadey dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed oo ka dhan ah Maamulka Islaamiga ee Degmada Baraawe,asagoo lagu yiqaanno inay aad u dhibeysan caddaaladda iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka,warar arrintan ku saabsan kala soco wararkeenna Dambe insha allaah.
Warqabadka SSMC
Maamulka Ssunion.net