Maamulada Islaamiga ee Bay iyo Bakool oo Isbeddel Lagu Sammeeyey.



06/29/09
Aadam Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Bay SSMC-Maamulada Islaamiga ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaa Isbeddel lagu Sammeeyey,waxana Maamulka Cusub Guddoomiye looga dhigey Mahad Cumar C/kariin,waxaana arrintaas saxaafadda u sheegey Guddoomiyihii hore ee Maamulkaas Sheekh Xasan”Abuu Eyman”,asagoo shacabka Gobollada Bay iyo Bakool ugu bishaareeyey Guddoomiyaha Cusub ee loo magacaabey Gobollada Bay iyo Bakool.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Cusub oo la hadlaayey Shacabka Gobolladaas ayaa sheegey inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha iyaga ka horjeeda,iyo Gaalada adduunka oo dhan taasoo ah buu yiri camal uu ilaahey ku addoonsadey qof kasta oo Muslim ah,wuxuuna shacabka goboladaas ka dalbadey inay ka qeyb qaataan Jihaadka.

Goobta looga dhawaaqey maamulka cusub ayaa waxa ka soo qeybgaley Odeyaasha Dhaqanka,iyo Golaha aqoonyahanada Digil iyo Mirifle ee Goboladaas,waxaana halkaas ka hadley Foowsi C/nuur oo sheegey inay Mujaahidiinta Alshabaab uga baxeen ballan ay la galeen markii la magacaabey Maamulka iminka la beddeley,iyagoo markaas noo sheegey buu yiri in Shan Bilood ka dib ay maamulka ku soo wareejin doonaan Bulshaweynta Gobollada Bay iyo Bakool.

Taliska Booliska Soomaaliya oo Ka Warbixiyey Howlgallo ay Sammeeyeen.
Muqdisho SSMC-Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” oo maanta shir jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa ka hadlley Howlgallo amaanka lagu sugayo oo ka dhacey qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir;waxa la soo qabtey kooxo Dembiileyaal ah oo wadey fal Dembiyeedyo ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sheegey inay Dowlladdu sammeyn doonto dhowaan Bar kontorool  lagu baarayo Baaburta halkaas isticmaasha,asagoo shacabka ku boorriyey inaaney ka baqin baaritaanka lagu sammeynayo Gaadiidka,asagoo sheegey waxa la baarayo inay tahay kooxaha nabadiidka ee ku dhax dhuunta shacabka Soomaaliyeed.

Qeybdiid ayaa sheegey in shaley laga billaabo ay mamnuuc tahay in la qaato Gawaari ay ku daboolan yihiin Muraayadaha Bensolka ah,asagoo Booliska amrey inay si shuruud la’aan ah ku qabtaan Gaari kasta oo leh Xaashida Bersonka loo yiqaanno,asagoo sheegey in Baabuurta noocaas ah ay caan ku yihiin kooxaha uu ku sheegey nabadiidka.

Dambiileyaasha Qarandiidka ayaa si weyn u iticmaala Baabuurta Bersonka sidaas darteed Dowlladdu waxay go’aansatey inay ku dhax dhuumanin Goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlladda iyo Xaruumaha Dowlladda Soomaaliyeed,si looga nabadgalo dhibaatooyinka ay gaarsinayaan buu yiri Shacabka Soomaaliyeed.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com