Wararka Ugu Dambeeya ee Soomaalia
Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababey oo Ka Dhacey Agagaarka Dugsiga 21 Oktoobar.
Muqdisho SSMC-Laba qof ayaa dhimatey 4 kalena dhaawacyo ayaa gaarey shacabka halkaas ku dhaqan,ka dib markii Gaari yar oo ay wateen Ciidamada Dowlladda lala beegsadey lala waayey,waxaana halkaas dhaawacyo iyo dhimasho ka soo gaartey Shacabka deegaankaas ku dhaqan.
Goobjoogeyaal halkaas ku sugan ayaa saxaafadda u sheegey in Baabuurta Qaraxa loo wadey uu badbaadey,hase yeeshee dhaawacyo firir ah oo fudud uu gaarey Askartii gaariga Wadatey,waxana Goobta Markiiba soo gaarey Ciidamada Dowlladda oo Rasaas furey.
Dadka Dhaawaca ah ayaa loo cararey Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho,iyadoo goobta uu Qaraxu ka dhacey ay tahay Goob ay mar kasta ka dhacaan Qaraxyada lala beegsado Ciidamada Dowlladda.
Bisha Oktober ee Sanadkii hore ayaa waxa halkaas ka dhacey Qarax sababey dhimasho iyo dhaawac fara badan,oo lala beegsadey Gaari Mini Bas ah oo ay wateen Haween Qaad ka ganacsanaayey.
Dhinaca kale Qarax Bombaano oo lala beegsadey Ciidamada Dowlladda oo ku sugan Boostaajada Xoosh ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen 5 Rayid ah,halka uu Qaraxaas ku dhaawacmey Askeri ka tirsan Dowlladda kumeelgaarka oo Qaraxa lala beegsadey,waxaana Goobta soo gaarey Ciidamada Dowlladda oo xirey halkii uu Qaraxa Bombaanada ahi uu ka dhaco.
Maamulka Maxkamadaha G/Sh/Dhexe oo ku goodiyay inay Dib u Hanan Doonaan Degmooyinka Alshabaab kala Wareegeen.
Sh/Dhaxe SSMC-Maamulkii Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabellaha Dhexe ee looga itaal roonaaday dagaaladii ka dhacay Jowhar iyo Mahadaay ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan qorshayaal ku aadan sidii ay dib ugu hanan lahaayeen Degmooyinkii ay kala wareegeen Xarakada Alshabaabul Mujaahidiin.
Gudoomiyihii Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabellaha Dhexe Macalin Daahir Caddow Calasow ayaa ku goodiyay inay dib u qabsan doonaan Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay, isagoona sheegay in Ciidamadooda ay wali gacanta ku hayaan inta badan deegaanada Gobolka.
"Saddex Degmo mooyee inta badan inagaa gacanta ku hayna G/Sh/Dhexe, waxaana rajeynaynaa inaan ka xoreyno Gobolka kuwa soo duulay"ayuu yiri M.Dahir oo ku eedeeyay Xarakada Alshabaab inay gowrac u geystaan dadka deegaanka.
Waxaa uu sheegay inay wali iyagu taabacsan yihiin Dowladda KMG, isla markaana goor dhow ay dowladda dib u qabsan doonto Gobolka Shabellaha Dhexe, wuxuuna tilmaamay in hadafkooda uu yahay sidii ay meesha uga saari lahaayeen kooxo uu ku sheegay inay yihiin shareeco diid.
Si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo baxey Gudoomiyihii hore ee Maxkamadaha Islaamka G/Sh/Dhexe Macalin Dahir Caddow Calasow ayaa ku soo aadaya xilli dagaalo u dhaxeeya Maxkamadaha iyo Xarakada Alshabaab uu ka dhacay Deegaanka Ceel Baraf,iyadoo dagaaladaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.
Madaxweyne Shariif oo daqiiqado ka hor u ambabaxay dalka Libiya
Muqdisho SSMC-Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa daqiiqado ka hor ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, halkaas oo Diyaarad qaas ah ka qaaday isaga iyo wafdi uu hogaaminayo.
Madaxweyne Shariif ayaa ku sii jeeda dalka Libiya oo uu uga qeyb galayo Kulanka Madaxweynayaasha Afrika oo 1-da bisha July ee soo socota uga furmi doona Magaalada Sirta ee dalkaasi Libiya.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha safarkiisa ay ku wehliyaan xubno ka tirsan Wasiiro iyo xildhibaano kala qeyb geli doona kulankaas, iyadoo Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Oomaar uga sii horeeyo Sirte.
Madaxweyne Shariif ayaa la filayaa in qudbad ku aadan xaalada soomaaliya uu ka hor aqriyo kulan madaxeedka Midowga Afrika, waxaana qudbadaas uu diirada ku saari doonaa dagaalada ay ku hayaan mucaaradka iyo sida Dowladdiisa u dooneyso in la taageero;waxana la filayaa in Ururka Midowga Afrika ay ka fiirsanayaan suurta gelnimada fara gelin Milateri oo lagu sameeyo Soomaaliya, xilli Dowladda ay sii liiceyso isla markaana inta badan dalka ay kala wareegeen xoogaga Mucaaradka.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Top Headlines
* add new comment »


