Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Bay oo Beeniyey In Ciidamadoodu Dhac Ka Geysteen Gobolka Bakool iyo War Kale
Dooloow SSMC-Guddoomiyihii hore ee maamulka Dowliga Gobolka Bay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamey hadallo dhowaan soo baxey oo sheegaya in Ciidamada Maamulada Bay iyo Bokool dhac iyo boob ka geysteen Degmada Yeed ee ka tirsan Gobolka Bakool.
C/fataax Ibraahim Geeseey oo Musaafuris ku jooga Degmada Dooloow ee ka tirsan Gobolka Gedo ayaa dacaayad raqiis ah ku tilmaamey,asagoo sheegey in Ciidamada halkaas ku sugan ay ka yihiin dadka ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool sidaas darteedna suuragal ahayn inay dadkooda dhac u geystaan.
Hore ayaa Guddoomiyaha Maamulka Dowliga ee Degmada Yeed sheegey in Ciidamada Maamulada Gobollada Bay iyo Bakool dhac iyo boob ka wadaan Degmada Yeed,asagoo saraakiisha Ciidamadaas ka codsadey in Ciidamada laga saaro magaalada oo la geeyo meel magaalada u jirta 25km.
Warar madaxbanaan oo laga helayo Degmada Yeed ayaa xaqiijinaya in Ciidamada maamuladaas falal dhac ah ka geysteen Degmadaas iyo deegaanada u dhow ee ay ku sugan yihiin,waxayna Masuuliyiinta labadaas maamul ka codsadeen inay wax ka qabtaan falalka dhaca ah ee halkaas ka jirta.
Ma aha marka ugu horreysa ee shacabku cabasho ka muujiyaan Malleeshiyaadka hoos taga Dowlladda kumeelgaarka ah,iyadoo falal dhac ah oo kuwaas la mid ah laga soo sheegayo goobaha ay ku sugan Ciidamada Dowlladda ee magaalada Muqdisho,iyadoo masuuliyiinta Dowlladdu mar kasta sheegaan inay tallaabo adag ka qaadayaan Ciidamada dhaca eysanaya.
49 Sano Ka Dib Xoriyaddii Soomaaliya Maxaa Laga Dhaxley?
Muqdisho SSMC-49 Sano ayaa ka soo wareegatey markii ay Soomaaliya xornimadeeda ka qaadatey Gumeysteyaasha Taliyaaniga iyo Ingiriiska,iyadoo xoriyaddaas ay dad badan oo Soomaaliyeed u dhinteen,waxaana xornimada ka dib dalka Soomaaliya ka dhashey Dowlladdii Rayidka iyo tan Militeriga,kuwaas oo lagu eedeeyey Musuqmaasuq iyo eex qabiil.
Waxba wax baa ka darane labada Dowladood waxa ka dambeeyey jabhado horseedey Dagaal iyo burbur barakac aan dhamaad lahayn,iyadoo xaaladdu ay marba heer soo mareysey ayaa ugu dambeyntii waxa la yagleeyey Dowlado kumeelgaar ah oo ay ugu horeysey Tii Cali Mahdi,C/qaasin iyo C/llaahi Yuusuf,kuwaas oo dhamaantood xilliyadii loo qabtey aaan lagu sugin ee dagaal lagu barakiciyey.
Dadka joogey markii la saarey Calanka Soomaaliya ayaa murugo iyo ciil ay indhahooda la ilimeeyeen ka muujiyey 49 Sano ka dib halka ay Soomaaliya maanta ku sugan tahay,waxayna sheegeen in Soomaaliya ay ka hooseeyso xilligii ay xornimada qaateen.
Maalinta Xornimada & midowga Soomaaliya oo Gobollo fara badan lagu xusi jirey ayaa sanadkan laga xusin in badan oo ka mid ah Dalka Soomaaliya,waxana meelaha laga xusey ka mid ah Magaalada Muqdisho oo meel aad u kooban ay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiinta Dowlladdu kaga hadleen maalinta Xornimada Soomaaliya,sidoo kale Shacabka Gobolka Galgaduud ayaa xusey maalinta Xornimada Soomaaliya;halka Maamul Goboleedka Puntland si weyn looga xusey;Gobollada ay maamulaan kooxaha Mucaaridka ayaa haba yaraatee laga xusin Maalinta Xornimada Soomaaliya.
Soomaaliya 49 sano ka dib waxa ku dagaalamaya Dowlladda kumeelgaarka oo ay kaalinayaan Ciidamada AMISOM,halka dhinaca Mucaaridkana lagu eedeeyo inay kaalinayaan Muhaajiriin Islaamiyiin ah oo ka yimid Waddamada Caalamka iyo Dowlladda Ereteriya oo lagu eedeeyo inay Hub ku taageerto kooxaha Mucaaridka ah;waxaana la oran karaa Xornimada Soomaaliya heshey burbur iyo Dagaal iyo qasaare mooyee waxba lagama dheefin.
Si kastaba ha ahaatee Dalka Soomaaliya xornimadii ay qaateen 49 Sano ka hor waxba kama faa’idin marka laga qiimeeyo xaaladda ay iminka ku jiraan,mana muuqato rajo ay shacabka Soomaaliyeed xoriyadooda ku naaloonayaan.
Maamulka iyo Wariyeyaahsa SSUNION.NET ayaa shacabka Soomaaliyeed ayaa ilaahey uga baryaya inay Sanadkan kiisa kale ku gaaraan nabad horumar iyo Dowlladnimo caddaalad ah oo loo dhan yahay.
Warqabadka SSMC
Maamulka Ssunion.net
* Filed Under:
Top Headlines
* add new comment »


