Dowlladda iyo Mucaaridka oo Mid Waliba Guulo Ka Sheegtey Dagaalka Shaley Galab iyo Xaley.
Muqdisho SSMC-Dagaal culus oo la isku adeegsadey Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa shaley galab ka qarxey Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan,waxana dagaalkaas ku dhintey ku dhowaad 15 qofood oo dadka Rayidka ah,halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 qofood sida ay Saxaafadda u sheegeen hay’adda Gurmadka degdega ee Life Line Afrika.
Dagaalka labada dhinac u dhaxeeya ayaa waxa barbar socota duqeyn ba’an oo ay labada dhinacba adeegsanayaan,iyadoo la xaqiijiyey in dagaalkaas shaley galab ay qeyb ka qeybgaleen Ciidamada Midowgga Afrika gaar ahaan kuwa Yugaandha.
Afhayeen u hadley Militeriga Dowladda oo magaciisa la yiraahdo Mahad Carsaanyo ayaa sheegey inay guulo ka gaareen dagaalada dhaxmarey iyaga iyo kooxaha uu ku sheegey nabad diidka,asagoo carrabka ku adkeeyey inay gacanta ku dhigeen dad Ajnabi ah oo gaaraya 3 qofood,wuxuuna ballan qaadey inay maanta Saxaafadda u soo bandhigayaan.
Dhinaca kale Afhayeenka Xizbul Islaam Sheekh Muuse Caraale oo ka jawaabey hadalkaas ayaa sheegey inay ka guuleysteen kooxaha Cadowgga ah ee ku soo duuley wuxuna ku faaney inay ka qabsadeen goobo ay hore iyagu u joogeen.
Caraale ayaa Dowlladda ku eedeeyey in marka laga guuleysto ay Madaafiic ku garaacaan Shacabka Soomaaliyeed,islamrkaasna ay markiiba fidiyaan Dacaayad raqiis ah sida iyagoo sheega inay qabteen Ciidan iwm,ilaahey guul buu naga siiyey Cadowga na soo weerarey ayuu hadalkiisa ku darey.
Afhayeenka Militeriga oo ay Saxaafaddu Weyddiisey waxa uu ku caddeyn karo Maxaabiista uu sheegayo ayuu Saxaafadda u ballanqaadey in loo soo bandhigayo;anigu qaxaan ku hadlayaa magaca Qaranka Soomaaliyeed waxana mamnuuc ah la sheegto Maxaabiis aan la haynin waxa na qabanaya heerka Caalamiga ah ee sheegaya in la badbaadiyo Maxbuus la qabto ama la sheegto maxaabiis aan la haynin.
Si kastaba ha ahaatee Dagaalka la isku habeensadey ee dhaxmarey Dowlladda iyo Mucaaridka ayaa la sheegayaa in labada dhinacba Qasaare ka soo gaartey iyadoo ay jiraan dhimasho iyo dhaawac kala gaarey;Warar madaxbanaan oo laga helayo Goobaha dagaalka ayaa sheegaya inay kala joogaan halkii dagaalku ka billowdey.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Top Headlines
* add new comment »


