Shacabka Koonfurta Soomaaliya oo Si Weyn Ula Qabsadey Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka.
Baydhaba SSMC-Maamullada Islaamiga ee Hoos yimaada Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin,ayaa dadaal xoog leh ku bixiyey inay Shacabku qaataan ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Inkastoo Mujaahiddiinta Alshabaab ka taliyaan dhammaan Gobollada Koonfurta Somalia ayaa haddana waxay qeybo badan ka maamulaan Gobollada Dhaxe ee soomaalia,waxaana Goobaha ay maamulaan oo dhan lagu arkayaa dhaqanka Islaamka,kaas oo inta badan loo marayo Wacyigelin,ammarro ka soo baxa Masuuliyiinta Maamuladaas.
Shacabka Koonfurta Soomaalia ayaa si weyn u qaatey baaqii ka soo baxey Mujaahiddiinta markii lala dagaallamaayey ururkii ay Soomaalidu u bixiyeen Ashahaaado la dirirka,oo qanddaraas ka soo qaatey Sirddoonka Mareykanka,kuwaas oo billaabey inay dilaan ama ay dhoofiyaan qof kasta oo lagu arko Sunnada Islaamka;Hase yeeshee Kooxddaas waxa muddo yar gudaheeda uga adkaadey Mujaahiddiinta oo taageero buuxda ka heley Shacabka Soomaaliyeed. Wixii markaas ka dambeeyey Shacabka Koonfurta Soomaaliya waxay kor u qaadeen Kitaabka iyo Sunnada,waxayna si weyn isku barbar taageen Mujaahiddiinta la dagaallameysey Itoobiyaanka iyo Dowlladdii ay garabka Siineysey ee uu Madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf.
Inta aaney Ciidamada Itoobiyaanku dalka ka bixin ayaa Mujaahiddiintu waxay qabsadeen dhammaan Gobollada Koonfurta Soomaaliya,gaar ahaan Jubbooyinka,Shabeellada Hoose,Bakool iyo Dhammaan Degmooyinka Gobolka Bay. Waxana Gobolladaas laga hirgeliyey Maamullo Islaami ah,kaas oo Shacabka ku hagey ku dhaqanka Shareecada Islaamka waxa la furey ,Maxkamado Garsoor,waxa meesha laga saarey dhammaan wixii dulmi ahaa ee ka jirey Gobolladaas,sida Beero la kala haystey,Guryo Deegaan oo la kala haystey Boosas banaan oo xoog lagu qaatey oo ninkii lahaa shuruud la’aan loogu celiyey.
Gobolladaas qaarkood ayaa maamullada ka jira ku guuleysteen inay la wareegaan dhammaan Goobaha ay Dowlladdu leedahay,mid banaan iyo mid dhisan,waxana Gobolladaas ka mid ah Shabeellada Hoose. Gobollada Koonfurta Soomaalia waxa iminka ka jira Maamullo Islaami ah oo si dhab ah ugu adeega Shacabka nabadgeliyada,ku hagidda ku dhaqanka Shareecada Islaamka,sida inay Dumarku qaataan Xijaabka oo ay asturaan jirkooda iyo in marka la gaaro xilliyada Salaadaha la wada xiro Goobaha Ganacsiga,Ragga oo Masaajidada Camira,Dumarka oo iyagana qaarkood Masaajidada ku Tukada gaar ahaan kuwa Suuqleyda ah,halka kuwa kele Guryahooda aadaan,Gabadhii aan Salaad lagu laheyn waxay aadeysaa Gurigeeda,ama waxay isku xireysaa Goobteeda Ganacsi.
Magaalooyinka Maamullada Islaamiga ah ee hoos yimaada Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin,ee dhaqanka Islaamku ka hirgaley waxa ka mid ah Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay,marka la gaaro Xilliyada Salaadaha oo la aqimo ma arkeysid qof maraya Banaanka ama Laamiyada ha noqdo Rag ama Dumar,qofka aan ogeyn ama Safar ah ee aan la soconin Dhaqanka Islaamka ee halkaas ka jira wuxuu isleeyahaya Magaalada miyaa laga guurey,sida uu muujinayo Sawirkani.
Dadka ka madax adeyga inuu goobtiisa Ganacsiga xiro xilliyada Salaadaha ama qofka aan Salaadda Jameecada tagin,waa la qabanayaa mana jirto wax dhib ah oo loo geysanayo,hase yeeshee Soomaalida oo Xoolo Jaceyl lagu ogyahay ayaa Maamulka Wilaayada Bay iyo Bakool ku soo rogey in Ganaax Lacageed laga qaado qofkii aan u hoggaansamin ammarada Maamulka, Arrintaas waxay keentey in qofkii si sax ah ammarada u qaatey ama iskiisa ugu hoggaansamey iyo kii Caasiga ahba markii la maqllo Aadaanka la wada xiro goobaha Ganacsiga loona dareero Masaajidada.
Si kastaba ha ahaatee Shacabka Koonfurta Soomaaliya ku dhaqan ayaa si weyn ula qabsadey ku dhaqanka Shareecada Islaamka,ma arkeysid qof Dumar ah oo aan xijaabneyn oo Waliba waxay ku xijaaban yihiin Dhar adag oo isku joog ah islamarkaasna si weyn u qarinaya jirkaooda.
Magaalada Baydhaba Shacabka ku dhaqan waxay si weyn u taageersan yihiin Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin,Ragga marka aad Indhaha la raacdo 85%,waxa ka muuqata Sunnada Islaamku caan ku yahay;Haweenka marka la eego waxa lagu tilmaami karaa inay qaateen dhaqanka Islaamka 100%;Goobaha lagu qaxweeyo ama Shaaha laga Cabbo Maamuladii Dowlladda ee halkan ka jirey waxay u yiqaaniin Tuugadii inta joogi jirtey iwm.
Magaalada Baydhaba marna maqli meysida wax Rasaas ah haba yaraatee waxaa Magaalada ka socda Dhismeyaal Cusub oo aad u qurux badan,kaas oo ay dhisanayaan Ganacsato iyo Qurbajoogta oo Soo dhiibta Lacago dabaeedna loo dhiso Villooyin aad u qurux badan,waxayna arrintani ku timid nabadgelyada buuxda ee ay horseedka ka yihiin Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Sticky Stories
* add new comment »


