Farsooleey oo ay ku Dagaalameen Ciidamo Xisbul Islaam iyo Malleeshiyaad Beeleedyo Ka Soo Jeeda Farsooleey.

Tuulada Farsooleey
02/01/00
Aadam Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Farsooleey SSMC-Dagaal keeney dhaawacyo 3 qofood ah ayaa dhaxmarey Malleeshiyaad Beeleed iyo Ciidamada Xisbul Islaam ee ka taliya Farsooleey  iyo deegaanada hoos yimaada,wuxuuna dagaalkani ka dhashey Zako ay Ciidamada Xisbigu ka aruurinayeen halkaas.

Tuulada Farsooleey ayaa waxay ka tirsan tahay Degmada Qoryooleey waxayna u jirtaa 35km  dhinaca Waqooyi,waxayna u dhaxeysaa Qoryooleey iyo Toortooroow,si aan u ogaanno xaqiiqda dhabta ah ee keeney dagaalkaasi ayaan la xiriirney qaar ka tirsan Odeyaasha Dhaqanka ee Deegaankaas oo magacooda ka gaabsadey,waxayna noo sheegen Warbixintan dhameystiran:

Warbixin 

Ciidamada Xisbiga ee farsooleey ayaa shaley waxay Zako aruurin u tageen Tuulada Buulo Arboow oo ka tirsan Farsooleey,waxana muran uu dhaxmarey madaxda Ciidamada iyo dadka tuuladaas,iyagoo isku fahmi waayey sida Zakada loo aruurinayo,waxana halkaas ka dhashey in tacshiira la isweydaarsadey,waxana ku dhaawacmey hal qof oo dadka deegaanka iyo Dameer halkaas ku dhintey.

Sidoo kale Ciidamada Xisbiga ee Farsooleey ayaa Saaka gaarey isla tuuladii shaley rabshaduhu ka dhaceen,markii ay halkaas gaareen ayaa waxa ka hor yimid Ciidamo Beeleed is abaabuley,kuwaas oo weerar ku qaadey Ciidamadii Xisbiga waxana halkaas ku dhaawacmey 2 ka mid ah Ciidamada Xisbiga oo uu ku jira ninka hoggaaminaya Zako aruurinta oo ka soo jeeda Farsooleey.
 
Ciidamada Xisbiga ee saaka tagey tuulada Buulo Arboow ayaa la kulmey iska cabin weyn,waxana lagu qasbey inay dib u soo laabtaan,iyadoo tuulooyinka hoos yimaada Farsooleey laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo looga horjeedo Zakada ay aruurinayaan Ciidamada Xisbiga ee Deegaanka Farsooleey. 

Dabayaaqadii Sanadkii 2009 ayaa Ciidamada Xisbiga iyo Malleeshiyo Beeleed kale ku dagaalameen tuulada Baadle ee ka tirsan Toortooroow Gobolka Shabeellada Hoose,dagaalkaas oo ay ku dhaawacmeen 3 qofood oo dadka deegaanka,inkasta oo markii dambe wada hadal ay yeesheen madaxda Xisbiga iyo Golaha Guurtida Beeshu xal ka gaareen arrintaas.

Warqabadka SSMC Somaliya
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com