Maamulka Xisbul Islaam ee Farsooleey oo Xirxirey Odeyaasha Dhaqameedyo Uu ka mid Yahay Ugaas Bundduuq.
Farsooleey SSMC-Maalin ka dib markii ay dagaalameen Maleeshiyaad Beeleed iyo Ciidamada Xisbul Islaam ayaa maamulka Xsibul Islaam ee Farsooley Xanaaq kula kor dhacey qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka ee Tuulada Farsooleey ,kuwaas oo ay Xabsiga u taxaabeen iyagoo ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dagaalka lagu soo qaadey Ciidamada Xisbul Islaam ee Beesha Farsooleey ka arrimiya.
Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee deegaanka Farsooleey ee ka tirsan Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellada Hoose Sheekh Maxamed Nuur oo saaka ka hadley Warbaahinta ayaa sheegey inay Ciidamadiisu Xabsiga u taxaabeen 5 Odey oo ka tirsan Odeyaasha Dhaqanka Farsooleey,kuwaas oo uu ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dagaalladii iyo rabshadihii lagala hor yimid Ururka Xisbul Islaam ee deegaankaasi.
Nabaddoonada la xirxirey ayaa waxay magacayadoodu kala yihiin:
- Ugaas X.Xasanoow Ibraahin Dhaay (Bunduuq)
- Nabaddoon Maaddeey Sh.Abuukar
- Aadan Isaaqoow Maxamed
- Maxamed Ibraahiim Guraacha
- Cali Aadan Cali (Cali Ganey).
Odeyaashan ayaaa la qabtey iyagoo dadaal ugu jirey inay qaboojiyaan dagaalka u dhaxeeya Xisbul Islaam iyo Malleeshiyo Beeleedka Buulo Arboow oo mar kale Saaka ka qarxey halkaas,waxana la qabtey iyagoo Maryo cadcad lulaya oo dadka deegaanka ka codsanayay inay Xabbadda joojiyaan.
Mid ka mid ah Odeyaasha la qabqabtey oo magaciisa la yiraahdo Aadan Isaaqoow oo la hadley Shabakaddan ayaa sheegey in markii la qabtey si xun loogu garaacey Qoriga Afkiisa iyo Baadkiisa,waxayna nagu eedeeyeen inaan nahay Hoggaamiye kooxeedyo Hub iyo Lacago ka soo qaatey Dowlladda Sheekh Shaariif.
Sidoo kale nabaddoonka ayaa sheegey inuu saaka markii iyaga la qabanaayey uu dhacey dagaal aad u culus oo u dhaxeeya Malleeshiyaadka deegaanka iyo Ciidamada Xisbul Islaam,hase yeeshee ma uusan sheegin wax qasaare ah oo halkaas ka dhashey.
Ugu dambeyntii Odeyaashan ayaa iygoo Indhaha iyo Gacmaha ka xiran loo soo qaadey deegaanka Farsooleey,iyagoo si xun loogu hanjabey haddii Maleeshiyaadku dagaal dambe soo qaadaan tallaabo adag laga qaadi doono Maxkamadna lala tiigsan doono,iyagoo markii dambe Xabsiga laga sii daayey hase yeeshee lagu amrey inaaney magaalada ka bixi Karin ilaa amar dambe.
Si kasta ha ahaatee ma aha marka ugu horreeysa ee Ciidamada Xisbul Islaam iyo Malleeshiyaadka deegaanadaas uu dagaal dhaxmaro,iyadoo dabayaaqadii Bishii Deceber ee 2009,dagaal noocan oo kale ah oo ka dhashey Zako la aruurinayo uu ka dhacey Tuulada Baadle iyo Degmada Toortooroow;iyadoo uu mugdi galey xiriirka ka dhaxeeya Ururka Xisbul Islaam iyo Beesha degta inta u dhaxeysa Degmada Qoryooleey iyo Afgooye.
Warqabadka SSMC Somaaliya
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Top Headlines
* add new comment »


