Dhoofinta iyo Xaalufinta Deegaanka oo Ka Socota Degmada Baraawe.





02/02/00
Aadam Cusmaan - SSMCFormat for printing    

 

Baraawe SSMC-Dhoofinta Dhuxusha iyo Xaalufka lagu hayo Deegaannada Gobolka Shabeellada Hoose ayaa weli si isdabajoog ah uga socda,waxaana iminka Dekadda Macmalka ee Baraawe ku xiran Markab weyn oo lagu daabulayo Dhuxusho,sidoo kale waxa Badweynta taagan Doon aad u weyn oo dooneysa inay soo xiratey Marka uu Markabkani buuxsamo.

Xeebta Dekadda iyo meelaha u dhow ayaa waxa buuxdhaafiyey Dhuxul aad u fara badan oo laga soo jarey dhulka Xoolo daaqeenka ee ku yaalla qeybaha kala duwan ee Gobolka Shabeelada Hoose,gaar ahaan Degmada Baraawe,waxana Xaalufmey oo lama degaan noqdey dhul aad hodan ugu ahaa Daaqa Xoolaha.

Dhoofinta iyo Xaalufinta lagu hayo Gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka soo billowdey Burburkii Dowlladdii Dhaxe ee Soomaaliya,iyadoo dhoofinta iyo Xaalufinta deegaanka ay halkaas ka wadeen Ganacsato iyo Hogaamiyeyaal Kooxeedyo ka soo duuley Gobolka Galgaduud ee qabsadey Gobolka Shabeellada Hoose iyo Jubada Hoose.

Haddaba Gobolka Shabeellada Hoose oo ay in ka badan hal Sano ay maamulaan Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin ayaan wax isbeddel ah ku sameynin Dhoofinta iyo Xaalufinta lagu hayo Gobolka Shabeelada Hoose,iyadoo dadka deegaankaas aan ku qanacsaneyn in la xaalufiyo deegaankooda. 

Inkasta oo Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin xaaladda guud Nabadgeliyo, Bulsho iyo dhaqan  ee ka jirtey Gobolkaas isbeddel fara badan ku sammeeyeen ayaa haddana waxaysan haba yaraaee isbeddel ku sameynin Xaalufka badan ee lagu hayo Gobolka Shabeellada Hoose gaar ahaan Degmada Baraawe.

Iyadoo sida laga warqabo isbeddellada qaarkooda ay ka yimaadaan Bulshada ayaa Shacabka kala duwan ee Gobolka Shabeellada Hoose aaney marnaba Maamulka ay Hoggaamiyaan Xarkada Shabaabul Mujaahiddiin ka codsanin inay ka joojiyaan Dhoofinta Dhuxusha iyo xaalufinta lagu hayo guud ahaan Gobolka Shabeellada Hoose.

Si kastaba arrintu ha ahaatee Shacabka Gobolka Shabeellada Hoose oo ka baxey caqabado fara badan oo ay ku hayeen Malleeshiyo Beeleedyo ka yimid Gobolka Galgaduud,sida Guryo laga haystey,Beero laga qabsadey baad joogto ah oo laga qaadi jirey ay haatan Meesha ka baxdey ayaa waxa weli qodax ku taagan noqdey Xaalufka badan ee lagu hayo Dhulka Xoolo daaqeenka ah.

Warqabadka SSMC Soomaaliya
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotamil.com