Abaabul Dagaal oo Si Weyn Uga Socda Magaalada Muqdisho.
Muqdisho SSMC-Magalada Muqdisho oo noqotey Hooyadii dagaallada Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda ay ka qarxaan dagaallo aad u culus oo u dhaxeeya Dowlladda kumeelgaarka iyo kooxaha ka horjeeda.
Waxa muuqata dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameeynayaan Ciidamada Dowlladda kumeelgaarka Soomaaliya,iyadoo saacdihii ugu dambeeyey la arkayo Ciidamo qalabeysan oo soo gaaraya meelo aaney hore u joogin.
Waxa muuqata dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameeynayaan Ciidamada Dowlladda kumeelgaarka Soomaaliya,iyadoo saacdihii ugu dambeeyey la arkayo Ciidamo qalabeysan oo soo gaaraya meelo aaney hore u joogin.
Arrintan ayaa ka dambeysey ka dim markii madadaxda Dowlladda kumeelgaarka ay ka soo baxayeen haddallo isdabajoog ah oo ay ku sheegeyaan inay dhowaan la wareegi doonto magaalada Muqdisho iyo Gobollada dalka oo dhan.
Shaley ayay ahayd markii ay Golaha wasiiradu yeesheen Shir ay albaabadu u xiran yihiin oo loo diidey inay wariyeyaashu ka qeyb galaan,taasoo ay dad badani ku fasireen inay tahay Qorshaha dagaal ee ay dejinayso Dowlladda kumeelgaarka,iyadoo shirkii shaley ay ka qeyb galeen Madaxweynaha iyo Wasiirka koowaad.
Ciidamada Dowlladda oo aad u fara badan ayaa saaka soo gaarey halka loo yiqaanno haanta dheer ee ku taalla jidka Warshadaha,ciidamadaas oo fariisin cusub ka sameystey halkaas,waxana dadkii arkey sheegeen inay yihiin Ciidamo aad u qalabeysan oo ka duwan ciidamadii hore.
Sidoo kale Ciidamada Dowlladda ayaa aad ugu soo dhowaadey Tarabuunka iyo Baar Taleex,iyagoo aad uga soo fogaadey halkii ay joogi jireen, arrintaasna ay u muuqato billowga dagaal baaxad weyn oo ka dhaca magaalada Muqdisho.
Wasiirro ka tirsan Dowlladda ayaa sheegey inay mar qura weerari doonaan Gobollada ay maamulaan Xoogga ka horjeeda Dowlladda,waxana ay ka carrabaabeen Gobollada Jubbooyinka Gedo,Bay Bakool iyo Hiiraan.
Si kastaba ha ahaatee waxa mar kale soo curtey guluf colaadeed oo ay markan waddo Dowlladda kumeelgaarka Soomaaliya,kaas oo aan la garaneynin halka uu ku Biyo shuban doono.
* Filed Under:
Top Headlines
* add new comment »


