Dagaalkii Farsooleey ee Dhaxmarey Malleeshiyaad Beeleed iyo Xisbul Islaam oo La Xalliyey.
Farsooleey SSMC-Dagaalkii dhowaan dhaxmarey Malleeshiyaad Beeleedka deegaanka Farsooleey iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta si rasmi ah xal laga gaarey,ka dib markii ay soo farageliyeen Odeyaal iyo Culumaa’uddiin ka soo jeeda Beelaha halkaas degan,kuwaas oo ka kala yimid Degmooyinka Qoryooleey,Afgooye iyo Toortooroow.
Sidoo kale Saraakiil Sare oo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa gaarey halkaas, si ay u xalliyaan dhibaatada colaadeed ee halkaas ka qaraxdey maalmihii ugu dambeeyey taas oo ka dhalatey Zako laga qaadaayey daddka deegaankaas oo la isku afgaran waayey.
Odeyaasha iyo Culumaa’uddiinka halkaas gaarey Maalinimadii shaley ayaa dadka deegaanka ka dhaadhaciyey inay oggolaadaan inay Hubka iska dhigaan oo ay oggolaadaan waanwaanta ay wadaan,sidoo kale Ciidamada Xisbul Islaam oo ku jirey dhufeysyo iyo howlgallada ayaa laga dalbadey inay joojiyaan oo ay ku laabtaan Fariisimahooda.
Kulanka maanta ayaa diirradda lagu saarey in la joojiyo dhammaan wixii gacan ka hadal ahaa ee dhaxmarey labada dhinac islamarkaasna si kumeelgaarka ah loo joojiyey sababihii keeney dagaalka oo ahaa Zako aruurinta ilaa si fiican loo xalliyo dhibaataddii ka dhalatey dagaalka halkaas ka dhacey.
Dhinaca kale Nabaddoonadii iyo Ugaaskii la xirey ama la garaacey ayaan kulanka lagu soo qaadin,iyadoo xaaladdu ay ku ekeyd oo keliya in Xabbadda la joojiya dadka qaxeyna dib ugu soo noqdaan deegaanadooda,iyo inay xaaladdu degto,waxana sidaas Shabakaddan u sheegey Guddoomiyihii hore ee Deegaanka Farsooleey Xaaji Madgaab oo khadka Telefoonka noogu warramey.
Odeyaashii iyo waxgaradka kulanka ka qeybgashey ayaa waxa ka mid ahaa Nabaddoonadii iyo Ugaaskii la garaacey ee Ugaas Bunduuq,waxayna dhammaantooda goobta shirka ka sheegeen in Muhiimadda koowaad ay tahay in la joojiyo Xabbadda ka dibna laga wada hadlo wixii dhib ah ee dhacey,oo iskugu jira Dhimasho Dhaawac iyo dadka la garaacey. Warqabadka SSMC Soomaaliya
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotamil.com
* Filed Under:
Top Headlines
* add new comment »


