Daruurraha Colaadeed oo Dul Taagan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

02/06/00
Aadam Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Muqdisho SSMC-Dhamaan Gobollada Soomaaliya ee ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta ayaa waxa Dul hoganaya Daruuro Madoow oo aad u maleeyneysida inay Xambaarsan tahay Roob Ma hiigaan ah oo aan la garaneynin Xilliga uu dai’ doono iyo goorta uu joogsanayo.

Laga Soo Billaabo Gobolka Galgaduud oo ay maamulaan Suufiyada la baxdey Ahlu Sunna Waljamaacah iyo Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya ayaa waxa ka soo baxaya hadallo xambaarsan dhiillo colaadeed,kuwaas oo ka imaanaya dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Gobolka Galgaduud ayaa iminka waxa jooga oo ku sugan Generaallo uu ka mid yahay Maxamed Nuur Galaal iyo Siyaasiyiin hore oo dhammaantooda ka soo jeeda Gobolkaas,waxayna Ahlu Sunna la dejinayaan istaraatiijiyad Ciidan iyo Mid siyaasadeed oo ku saabsan Gobolkaas. Sidoo kale Dowlladda kumeelgaarka ayaa Ciidamo iyo saraakiil dheeraad ah oo Diyaarado iyo Doonyo lagu daabuley geysey Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud,kuwaas oo laga xusi karo Feefeer,Ceeldheer,Bargaan iyo Cowsweyne,waxayna dooneysaa inay aagag dagaal ka furaan Galgaduud iyo Hiiraan.

Dhinaca kale Gobollada Bay ,Bakool iyo Gedo ayaa waxa ka socda dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamo ka tirsan Dowlladda kumeelgaarka oo laga soo xoojiyey dalka Itoobiya,iyadoo Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ka socdaan dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan rag la baxey Ahlu Sunna Waljamaaca oo gacansaar dhow la leh Dowlladda Itoobiya.

Dhammaan dhinacyadan ayaa si isku mid ah ku gooddinaya inay dhowaan weerar kama dambeys ah oo lagu kala baxayo ku qaadayaan Gobollada Koonfurgalbeed Soomaaliya. Sidoo kale Ciidamo fara badan oo lagu Tabababarey Dalka Kenya oo tiradoodu ku dhowdahay 3000 oo Askeri ayaa la filayaa in maalmo gudahooda la qabto Xafladdii Tababarka loogu xiraayo,waxana la saadaalinayaa inay Weerarro ku soo qaadayaan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dhinaca Kale Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka socda dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo aan hore loo arag oo ay Sammeeynayaan Ciidamada Dowlladda kumeelgaarka.kuwaas oo laga soo fasaxey Xerooyin muddo dheer lagu diyaariyey;Ciidamada ayaa waxay buuxiyeen aagaggii dagaalka ee ay isku horfadhiyaan Dowladda iyo dhinacyada ka horjeeda.

Masuuliyiinta Dowlladda oo iskugu jirta Wasiirro Xildhibaanno iyo Saraakiil Ciidan ayaa si isku mid ah ugu gooddinayey maalmihii la soo dhaafey inay qaadayaan dagaal lagu kala baxayo oo ay kula wareegayaan Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dalka;waxayna qaarkooda dhinacyada ka horjeeda ka dalbadeen inay shacabka dhaxdiisa ka soo baxaan oo haddii ay Jihaad doon yihiin Banaanka iskeenaan.

Dhinaca kale kooxaha Dowlladda ka horjeeda ayaa iyagana dhinacooda ka billaabey diyaargaroow xooggan oo ay ku doonayaan inay iskaga difaacaan weerarada ku soo wajahan,iyagoo Ciidamo fara badan geeyey goobaha ay Ciidamadu iska horfadhiyaan. Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin Sheekh Cali Dheere ayaa hadallada Dowlladda ka soo baxaya ku tilmaamey mid ay sida caruur Afbarad ah oo kale ay Maalin kasta ku hadaaqaan iyadoo la ogyahay halka tabartoodu la egtahay,wuxuuna hanjabaaddooda ka soo qaadey tii uu ku baxey Cumar Xaashi Aadan oo lagu diley Qarax ka dhacey magaalada Beledweyne.

Isku soo wada duuboo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa ka soo muuqdey Daruuro colaadeed oo aan la saadaalin karin cidda ku gacansarreyn doonta,gaar ahaan magaalada Muqdisho oo lagu tilmaami karo Hooyada Colaadaha Somaaliya ayaa laga dareemayaa xiisad Colaadeed oo aad u kacsan,iyadoo Shacabka magaalada oo ay dagalladu nolol maalmeedkooda ka mid noqdeen ay billaabeen inay raadsadaan meelo ay gabbaad kasii dhigtaan inta aaney Xabbaddu ku bilaaabanin,waxana Boostaeejooyinka Gaadiidka dadweynaha lagu arkayaa Qoysas wata caruurtooda iyo alaabtooda oo ka sii baxaya Magaalada Muqdisho.

Warqabadka SSMC Somaaliya
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com