Wararka Maanta

Wararka waxay sheegayaan inkasta oo saraakiishu sheegin tirada ciidamadaas ayaa haddana ilo wareedyo kale waxay sheegayaan in ciidamadaas lagu soo kordhiyey 1600 askeri ,kuwasoo qeyb ka noqon doona howlgallada ay hore u joogaan gudaha magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa loogu talagaley inay isku ballaariyaan goobaha ay dagaalada kaga yimaadaan,iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixinin goobaha ciidamadu ay isku ballaarinayaan.
Ceelwaaq SSMC-Degmada Ceelwaaq ee ka tirsan Gobolka Gedo ayaa looga dhawaaqey Maamul cusub oo islaami ah,kaas oo ay halkaas kaga dhawaaqeen kooxaha dhowaan degmadaas qabsadey,iyagoo sheegey inay wadatashi la sammeeyeen Odeyaasha dhaqanka ee degmada Ceelwaaq.
Hiiraan SSMC-Banddow ay ciidamada Maxkamadaha xaley ku soo rogeen Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka dhaqan galey,Iyada oo Gobolka Hiiraan ay iminka si buuxda gacanta ku hayaan ciidamada Maxkamadaha slaamka.

War Saxaafadeedkooda ayaa sidan u qoran:
Warsaxaafadeed ku Saabsan ku Saabsan ka Bixitaanka Ehthioipa ee Gobolka Hiiraan.
Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxa uu soo dhaweeynayaa ka bixitaanka ciidamada Ethiopia Gobolka Hiiraan,waxaa uuna caddeynayaa in guuritaankaan ugu dambeeyey ee ay ciidamada Ethiopia uga guureen gebi ahaanba Gobolka Hiiraan inuu ku yimid wadahadal iyo dadaal dheeraad ah uu bixiyey Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ,gaar ahaan guddiga nabadgelyada.
Waa Allah mahadii haddii uu maanta G.Hiiraan madax banaan yahay culeyskii ciidamada Gumeysigana laga dulqaaday,dadweynihii barakacayna ay bilaabeen inay Guryahoodii dib ugu soo noqdaan si ay noloshoodii caadiga ahayd dib uga bilaabaan halkaasi.
Isbahaysiga oo ka tacsiyadaynaya wixii dhib ah ee soo gaaray dadweynaha G.Hiiraan intii ay ciidamda gumeysiga ah ku sugnaayeen Gobolkaasi,waxaa uu ammaan iyo bogaadinba u jeedinayaa xooggaga muqaawamada ee u dhabar adeygay sidii ay dalkooda,dadkooda iyo diintoodaba u badbaadin lahaayeen, waxa uu dadweynaha Gobolka iyo masuuliyiintoodaba ugu baaqayaa inay sugaan nabadgelyada guud,soona celiyaan nidaamkii iyo kala dambeyntii Gobolka ka jirtay intii aysan soo gelin Gobolka ciidamada Gumeysiga.
Gobolka Hiiraan waxa uu u baahan yahay dib u dejinta dadkii barakacay iyo taakuleyntooda ee uma baahna in laga shaqeeyo sidii colaad joogta ah loogu hayn lahaa, sidaasi darteed Isbahaysigu waxa uu ugu baaqayaa dadweynaha G.Hiraan iyo madaxadootdaba inay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan horumarinta danaha guud,dhegna aysan jalaq u siinin weedha xun ee ka soo yeereysa kuwa aan xilkaska ahayn.
Xarardheere SSMC-Markabkii 3-aad ee laga leeyahay dalka Gariigga ayaa galey gacanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee ka qowleeysta Biyaha Soomaaliya.
Hadal qoraal ah oo ay soo saartey hay’adaha badaha caalamiga ah ayaa lagu sheegey in kooxaha burcad badeeda Soomaalid ah ay gacanta ku dhigeen markabkii 3-aad ee laga leeyahay Dalka Gariigga. Markabkani ayaa la sheegey in la qafaashey Jimcihii laga soo gudbey kaas oo sidey Walxo kiimiko ah isla markana ay saarnaayeen ku dhawaad 19- shaqaale ah.
Markabkani oo aan la shaacin magaciisa ayaa waxaa la xaqiijiyay in kooxo burcad badeed Soomaali ah ay gacanta ku dhigeen xili uu marayey Biyaha Caalamiga.
Afhayeen u hadley hay’adda Badaha caalamiga ah ayaa sheegey in Markabkani uu ka soo kicitimey qaaradda Yurub isla markaana uu ku sii jeedo wadamada Bariga Dhexe.

Kismaanyo SSMC-Guddoomiyaha Jabhadda la magac baxdey Mujaahidiinta Islaamka ee Raaskaambooni Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (turki),ayaa maanta shir jaraa’id khadka telefoonka ku qabtey ee magaalada Kismaanyo,wuxuuna raalligelin ka bixiyey hadal uu shaley Muqdisho ka sheegey taliyaha Ciidamadiisa ee Sheekh Maxamed Dulyaddeyn.
Sheekh Turki ayaa raalligelin ka bixiyey hadalka taliyaha,asagoo sheegey in ninka hadalku hareer marey oo uusan ula jeedin xummaan wuxuuna ka wadey dad ka tirsanaa Maxaakiimta ayaa ka leexdey hadafkii Maxaakiimta Islaamiga ah.
Madaxda Maxkamadaha ayaa iskhilaafey oo kala tagey Mooyee Maxkamaduhu ma burburin waxayna lafdhabar ka yihiin dagaallada looga soo horjeeda cadowgga iyo dabadhilifyadooda.
Sheekh Xasan Turki ayaa xusey inay ciidamadiisu qeyb ka yihiin dagaallada Jihaadka ah ee looga soo horjeeda cadowgga dalka haysta,wuxuuna ku baaqey inay midoobaan dhammaan mujaahidiinta dagaalka ku jirta. Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com

Baydhaba SSMC-Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka DKMG ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa eedeyN kulul u jeediyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka inay wadaan qorshe la isaga hor keenayo Madaxda sare iyo abuurista khilaaf hor leh oo dhasha.
Muqdisho SSMC-Magaalada Muqdisho ayaa waxa si weyn uga soconaya barakicii ugu weynaa ee la arko Sanadka 2008,ka dib markii ay Bisha Ramallaan si isdabajoog ah u dhaceen dagaallada u dhaxeeya kooxaha diiddan dowlladda iyo Joogitaanka Ciidamada Shesheeye ee Soomaalia.
Boosaaso SSMC-Booliska Maamul Gobeoleedka Puntland ayaa si xeeladesan ugu guuleystey inay soo furtaan nin Jarmal ah oo Dhaqtar ah,Islamarkaasna Muslim ah kaas oo kooxo Burcad ahi ka afduubeen magaalada Boosaaso. Ninkan ayaa lala afduubey haweeneey Soomaali ah oo uu qabey,waxaana la aadey Buuraha ku teedsan magaalada Boosaaso in lala aadey,dhaqtarka oo magaciisa la yiraahdo Abuubakar ayaa wuxuu halkaas u yimid inuu barto qoyska uu gabadhha ka qabo iyo inuu wax ka qabto cusbitaallada Maamul Goboleedka Puntland si uu wax uga qabto.