Politics

Baydhabo(16) Madaxweynaha DFKM Md. Cabdillaahi Yuusuf iyo wafdigii uu hogaaminayey oo shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabntay magaalada Baydhaba ayaa lagu wadaa in uu maanta xogwarran ka siiyo golaha baarlamaanka socdaalkii uu dhowaan ku soo maray dalal dhowr ah oo ka tirsan qaaradaha Yurub iyo Afrika.
Muqdisho (May 7) wufuud ka kala socta Jaamacadda Carabta iyo ururka Islaamka oo ay haatan booqasho ku joogaan magaalada Baydhaba waxay shalay kulamo kala gaar ah la yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Raiisulwasaaraha Md. Mamxamed Cali Geeddi, waxayna ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya guud ahaan iyo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dawladda Federaalka ee KMG. Madaxda DFKMG iyo wufuudaasi waxay kaloo isla soo qaadeen sidii xalo loogu heli lahaa dagaallada ka soo cusboonaaday Soomaalaiya, gaar ahaan Maagaalada madaxda ee Muqdisho oo seddax maalmood ka hor ka dhacay dagaal lagu hoobtay.
Muqdisho (May 16)-Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Somali-land Daahir Riyaale Kaahin iyo Punt-land Cadde Muuse oo haatan ay booqasho ku joogaan Addis Abeba ee Itoobiya ayaa la filayaa in maanta ama beeri ay si toos ah u kulmaan si ay uga wada hadlaan khilaafka dhuleed oo muddada u dhaxeeyey labada maamul, horeyna u sababay inay isu adeegsadaan dagaal hubeysan.Dawladda Itoobiya oo labada dhinacba gacansaar la leh ayaa in mudda ahba u kala dabqaadaysay si ay isugu soo dhoweeyso aragtiga labada maamul ee ku aadan lahaanshaha deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, hase ahaatee, labada dhinac waxay si aad ugu kala fog yihiin midnimada Soomaaliya iyadoo Punta laand ay aaminsan tahay in midnimada Soomaaliya ay muddas tahay, halka Somali land ay hore u cadadeysay inay ka go'day Soomaaliya.Madaxda maamullada Punt-land iyo Somali -land waxay hore si gaar gaar ah dalka Yaman ay ugula kulmeen madax ka tirsan dalkaasi oo isku dayey inay dhedhexaadiyaan iyadoo Yaman iyo Itoobiya ay ka wada tirsan yihiin Isbaheysi la magac baxay Isbaheysiga Saanca oo laba sano ka hor lagu aasay daalka Yaman.Heshii aan la shaacinin oo Yaman ku soo dhemaray Riyaale iyo madaxda Yaman ayaa khilaaf xoog leh ka dhex abuuray golaha wakiillada ee Somali-land, sida laga soo xigtay warar xogogaal oo laga helay Hargeysa.
Maalintii labaad ayaa xasiloon degmooyinkii toddobaadkii la soo dhaafay ay ka dgaceen dagaallada sababay khasaaraha dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka hantida. Hakadka dagaalka waxa uu k
Nairobi - The emergence of Islamic courts in Mogadishu fighting for control of the lawless Somali capital with traditional warlords has been blamed for a fresh wave of violence that claimed 52 lives and wounded hundreds last week.



