News in English

Waa diyaaradii labaad oo ah kuwa rayidka ah oo ka soo degta Garoonka muqdisho tan iyo 16 sebtemper markii xarakada Al-shabaab bayaan ay soo saareen ku xireen Garoonka muqdisho.
Muqdisho SSMC-Maamulka Degmada Dayniile ayaa eedeeyay qaar ka mid ah maamulkii hore ee gobolka Banaadir inay dhibaato iyo qas ka wadaan Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo maanta la hadley Warbaahinta ayaa dilka Xaajiga ku tilmaamey mid laga wada naxo,isla markaasna aan loo baahneeyn, waxana uu sheegey inay guddi u saareen baaritaanka dilka Gudoomiyahii Golaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Xaaji Dacar Xirsi Xooshoow.
Muqdisho SSMC-Xaaladda Degmada Dharkeenlleey ee Gobolka Banaadir oo saaka ay ka dheceen duqeymo iyo dagaallo u dhexeeyey Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo dhinac ah iyo xoogagga ka soo hor jeeda ayaa iminka deggan.
Waxaa soo laabatey dhaqdhaqaaqa Ganasiga iyo Dadka ee Degmada Dharkeenlleey,waxaa duqeynta iyo dagaalada ku geeriyoday 1-qof oo haween ah waxana sidoo kale dhawacyo kala duwan ay ka soo gaareen dad gaaraya illaa 5-ruux kuwaasi oo dhamaantooda wada ah dad rayid ah isla markana loola cararay goobaha Caafimaadka.
Duqeynta iyo dagaalka ayaa yimid ka dib markii soo cagadhigatey Diyaarad Militeri oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM, ka dibna ay Hoobiyeyaal la beegsadeen urur Diimeedka Al-shabaab,taas oo sababtey inay ciidamada AMISOM iyo kuwa Booliska ee Degmooyinka Dharkeenlleey iyo Wadajir Weerar Wadajir ah ku qaadaan,dagaalkaas oo hakiyey weerarka Hoobiye ee lagu qaadayey Goroonka.
Dhinaca kale waxaa degmada Dharkeenlleey ka soconaya barakac baahsan oo ay wadaan dadka degmadaasi ku nool oo u badan dadkii hore barakac ku tagey halkasi xilli ay ka carareen dagaalada ka soconaya xaafado ka mid ah Gobolka Banaadir.
Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay maanta u aheeyd maalintii 2-aad oo ay duqeymo la isdhaafsanayo ay deris u noqdeen,waxaana dagaalyahanada ka horjeeda ciidamada Shisheeyaha iyo dowlladda weerarkooda u leexiyeen Dhinaca Degmada Madiina oo aad ugu dhow Goroonka Maagaalada Muqdiho.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com

Ceelwaaq SSMC-Waxaa weli Soconaya wadahadalka iyo heshiiska u dhaxeeya beelaha Garre iyo Murule,kaas oo ay garwadeen ka yihiin Wasiirro ka tirsan Dowlladda Kenya,waxaana xubnaha heshiiska wada ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga,iyo Wasiirka Gobolka Waqooyi-Bari Kenya iyo xildhibaanada laga soo doorto degmooyinka Mandera Ceelwaaq iyo Taakaaba.

Odayaashan waxa ay shaley & xaley oo dhan lahaayeen wada hadallo ay ka lahaayeen Mustaqbalka garoonkaasi,waxa ayna ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed inay dantooda gartaan.
Afhayeen u hadley Odayaashan oo la yiraahdo Cali Cirro ayaa sheegey in xirnaanshaha Garoonka Muqdisho uu sumcad darro ku yahay Shacabka Soomaaliyeed iyo cid walboo dooneysa inay noqdaan Madaxda umada Soomaaliyeed.
Cali Cirro wuxuu sheegey inay aad uga xun yihiin Xirnaanshaha Garoonka Muqdisho,wuxuuna si gaar ah u sheegey inay kala hadlaan dhinacyada kala duwan ee isku haya Awoodda Muqdisho in Garoonka Muqdisho la furo.
Waxa Odayaashan si wada jir ah ugu baaqeen Al-Shabaab in aysan xannibin danaha Umada Soomaaliyeed ee ay ka fiirsadaan go’aamada ay qaadayaan ayna si deg deg ah uga laabtaan Curyaaminta Shaqada shacabka Soomaaliyeed, Maadaama Garoonka uusan u shaqeyn oo kaliya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Beesha Muddullood waxay tahay beelaha looga dambeeyo ka hadalka Caasimadda Soomaaliya,marka laga hadlayo Taariikh,ahaan waa beesha dagta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,wuxuuna warkoodu ku soo beegmayaa xilli maalintii 4-aad xiran yahay Garoonka weyn. Warqabadaka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com